Denmark oo ka falcelisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Nov 17  (Jowhar)-Sida ay Ilo-wareedyo xilkas ah u xaqiijiyeen warbaahinta , Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa isweydaarsaday qoraallo rasmi ah, oo ku saabsan hadalki uu safiirka Denmark ku sheegay dal madax banaan Somaliland xili uu magaalada Hargeysa toddobaadkan uu uga qeybgalyey kormeer doorashooyinka Somaliland, taasoo walaac ku abuurtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo u aragtay inay liddi ku tahay gobonnimada wadanka .

Isweydaarsigan ayaa daba socday warqad uu wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u diray safiirka Denmark, oo uu ugu yeeray danjiraheeda si wax looga weydiiyo tallaabooyinka ay dhibsatay dowaldda federaalka.

Dowladda Denmark ayaa qoraalkeeda ku muujisay raalli-gelin horudhac ah iyo inay ka garowday gefka diblumaasigeeda, iyadoo aqoonsan xasaasiyadda arrimaha la xiriira hadalka safiirkooda.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in safiirka Denmark uu talaadada soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya si loo wadahadlo loona faahfaahiyo arrinta.

Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu xoojinayo wadahadallada furan, laguna caddeeyo mowqifyada labada dhinac si loo adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasiirka arimaha Dibadda Ahmed Moalim Fiqi ayaa shalay sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan safiirka Danishka oo meel uga dhacay qaranimada dalka sida u yiri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More