DF oo qaaday tilaabo ka dhan ah Kenya kadib safarkii Axmed Madoobe ee Nairobi

Jan 19 (Jowhar)-Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya ee ku sugan Muqdisho ayaa u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarkii uu Nairobi ku tagay Axmed Madoobe, kaddib markii diyaarad gaar ah ka qaaday magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegaya in Warqad loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo oo ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay” Sida lagu yiri warqada cabashad ah.

Wali wax Jawaab ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku aadan talaabadan, lamana oga talaabada xigta ee ay dowladda Soomaaliya qaadi doonta.

Mr. Madoobe ayaa 50 cisho kadib dib udoorashadiisa safarkiisii u horeeyay uga baxay magaalada Kismaayo, waxaana sii xoogeystay khilaafka kala dhexeeya xukuunadda dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More