DFS oo culeys hor leh saartay ganacsatada Alaabaha kala soo dagta dekeda magaalada Muqdisho
Jul 29 (Jowhar.com)-Iyadoo Wasaaradda Maaliyadda ay kordhisay canshuuraha kala duwan ee laga qaado Dekeda Muqdisho ayaa waxaa haatan soo kordhay in Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ay siisay qandaraas shirkad lagu magacaabo Total Cleaning Services, taasoo qabaneysa howsha dhaqida iyo nadiifinta Konteenarada ka soo dega Dekeda.
Arrintan oo culeys ku ah Ganacatada wax kala soo dega Dekedda Muqdisho oo markii hore dhib ku qabay canshuuraha aan xadka laheyn ee laga qaadayay, oo ay qeyb ka tahay canshuuraha dhinaca Faya-dhowrka iyo Scan-ka Dekedda.
Culeyskan ku soo kordhay Dekedda Muqdisho ayaa loo arkaa inay keeni karto in Ganacsatada kala soo dega shixnadaha inay u weecdaan Dekedaha kale ee dalka, waxaana maalintii shalay Dekeda Boosaaso ku soo xirtay Markabkii u horreeyay oo siday shixnad ganacsi oo konteenar ah, iyadoo horay ay u jirtay in Ganacsatada Koofurta Soomaaliya alaabaha ganacsi kala soo degaan Dekedda Boosaaso oo ay soo gaari jirtay illaa magaalada Jowhar, haddii Ganacsatada ay ka guuraan Dekedda Muqdisho waxaa cad in Wasaaradda Maaliyadda XFS aysan heli doonin canshuurtii ay qaadi jirtay Dekedda, taas oo macnaheeda tahay in la bixin waayo lacagihii mushaarka ee dowladda.