DFS oo sheegtay iney duqeyn ku dishay horjoogihii shabaab u qaabilsanaa gaadiidka dagaalka
Mar 11(Jowhar)-Dowldda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtayin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay.
Howlgalka ayay sheegeen in lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan al-shabaab.
Duqeynta ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe, gaar ahan deegaanka Damasha iyo Shabeeloow, halkaas oo ay sheegeen in lagu dilay horjoogihii shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka dagaalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka xoogga, ayaa lagu sheegay in la khaarajiyay Mansoor Tima-Weeyne, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay isku diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.
Mansoor ayaa la sheegay in dhowaan uu ka yimid deegaanka Buulo Fulay, waxaana waday gaadiid la dayactiray oo kooxda ay u adeegsan jirtay weeraradeeda, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Gaadiidka waxaa la sheegay inuu ka koobnaa laba gaari Cabdi Bile ah, oo ay saarnaayeen qoryaha waaweyn ee suuga iyo dhashiikaha iyo gaari kale oo kooxdu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka ayaa si xeel dheer loo qorsheeyay, iyadoo bartilmaameedku ahaa xubnaha sare ee al-shabaab, sida lagu yiri war-murtiyeedka taliska.
Taliska ayaa sidoo kale cadeeyay in duqeyntani ay dhabar-jab weyn ku tahay awoodda dagaal ee kooxda, ayna qeyb ka tahay dagaalka lagu wiiqayo argagixisada.