DFS oo ugu danbeyn ogolaatay in ciidamadda Itoobiya qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM

Feb 23(Jowhar)Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa is afgarad ku gaaray in ciidamada Itoobiya ay kamid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.

Arrintan waxa ay timid ka dib socdaal ay Taliyaha Mileteriga Itoobiya, Birhanu Jula iyo Agaasimaha Sirdoonka dalkaasi, Ridwaan Xuseen shalay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayna kula kulmeen;Taliyaha Ciidanka Xoogga, Gen.Odowaa iyo Agaasimaha NISA, Cabdullaahi Sanbalooshe.

Labada dhinac waxa kale oo ay isla meel-dhigeen in la dardargeliyo heshiisyadii hore ee ciidan, iskaashiga amniga labada dal iyo guud ahaan gobolka.

“Labada dhinac waxa ay isla garteen in albaabka Soomaaliya uu keliya yahay DFS, iyada oo la ilaalinayao madax-banaanida iyo wadajirka Soomaaliya” – Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saareen labada dhinac.

Socdaalka Taliska Itoobiya ayaa imanaya xilli madaxda DFS ay doonayaan in ay ciidanka Itoobiya ka beddelaan gobollada xuduudaha la ah dalkaasi, ka dib xiisaddii labada dhinac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More