Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ciidanka Puntland iyo PSF ku dhexmaray Garowe
Mar 22(Jowhar)-Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku dhimtay ilaa afar kale oo uu ku jiro Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Garoowe waa ku dhaawacmeen; ka dib israsaaseyn kaantaroolka bari ee caasimadda Garoowe ku dhexmartay ciidanka Booliiska Puntland iyo ciidan ku lebbisan tuutaha Ciidanka PSF oo la sheegey in ay ka yimaaddeen gobolka Bari.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhaliyey gacan ka hadalka; Ilo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ay doonayeen in ay ciidanka Bari ka yimi ka reebaan baabuur ay xukuumaddu leedahay oo ay wateen.
Xaaladda halka dagaalka uu ka dhacay ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale oo rogaal celis ah uu dhoco.
Weli ma jirto faahfaahin ka soo baxday Booliiska & PSF iyo guud ahaan maamulka Puntland.