Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Aug 20(Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Bidhaan-dheere oo hoostaga Magaalada Dhuusamareeb.

Gacan ka hadalkan oo ka dhashey muran dhul ayaa sababey dhimashada Saddex ruux iyo dhaawaca Afar kale.

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, Colaadan ayaa salka ku haysa Guri halkaas laga dhisayey oo Murankiisu mudo soo socday, waxaana goobta mashaqadani ka dhacdey ku baxey laamaha Amniga Galmudug.

Si kastaba, Deegaanada maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo khasaare badan geysta oo dhexmara dadka ku wada nool deegaanada maamulkaas, waxaana dagaalada intooda badan ay ka bilaawdaan murunada la xariira lahaanshaha dhuleed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More