Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal NISA iyo Shabaab ku dhexmaray Muqdisho

Mar. 24 (Jowhar.com)-Ciidamadda dharcadka NISA ka tirsan ee ka howlgala degmada Howlwadaag iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab ayaa saaka ku dagaalamay isgoyska bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in saddex kamid ah maleeshiyaadka Shabaab oo qoryo ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay fadhiyeen ciidanka dharcadka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo 30 daqiiqo gaareysa socday, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay in dableydii Shabaab ee weerarka soo qaaday ay iska caabiyeen oo ay ka dileen hal dagaalame, waxaana laga qaatay qorigii uu watay, iyagoo sidoo kale isaga cararay mootadii ay wateen oo haatan ciidamadda dowladda ay gacanta ku hayaan.

Askari ka tirsan ciidanka dharcadka ee NISA ka tirsan ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, waxaana haatan dagan xaalada goobihii lagu dagaalamay oo dhaq dhaqaayada ganacsiga iyo dadweynaha ay caadi kusoo laabteen.

Ciidamadda amaanka ee dowladda ayaa wada howlgal ay ku baadi goobayaan laba kamid ah Shabaabkii weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay, iyadoo degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay ka socdaan howlgal culus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More