Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeyn Mareykanka uu Xuutiyiinta kula eegtay Sanca

Apr 28 (Jowhar) Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Axadii shalay ka dhacday caasimadda Sanca, sida uu sheegay TV-ga Al Masirah ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yemen. Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen boqollaal bartilmaameedyo Xuuthiyiinta tan iyo bartamihii bishii Maarso.

Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Thaqban ee degmada Bani Al Xaarith ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Sanca uu sababay dhimashada 8-ruux oo ay ku jiraan caruur iyo haween iyo tiro dhaawac ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in duqeyntaasi lala beegsaday saddex guri oo ku yaalla deegaankaasi.

Kanaalka ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya burburka guryaha iyo baabuurta burburay, iyo dhiig dhulka ka muuqanaya , iyadoo samatabixiyaashu ay ururinayeen wax u muuqday haraaga bani’aadam oo ku jira maro cad. Telefishinka oo soo xiganaya wariyahooda ayaa leh, “Waxaa jira haraaga jirka haween iyo caruur” goobta yaalla.

Horay kooxda Xuuthiyiinta ayaa u sheegtay in qeybo kale oo ka mid ah dalka ay ka dhaceen duqeymo uu Mareykanka ka fuliyay, gaar ahaan Sacda iyo gobolka Amran ee waqooyiga dalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More