Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo wadahadalo uga bilaabanayo Sucuudiga

July. 16 (Jowhar.com)-Wakiilo ka socda Sudan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wadahadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF), sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sudan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii, kaddib saddex bilood oo dagaal uu dhexmaray ciidammada iyo RSF.

Wadahadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta.

Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.

Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More