Dhul Gariir ku diley kun ruux dalka Myanmar

Mar 28 (Jowhar)-Inkabadan kun ruux ayaa ku dhimatay kadib markii uu dhul gariir ku dhuftay dalka Myanmar shalay iyadoo laga cabsi qabo in tirada dadka ku dhintey dhulgariirka ay gaarto toban kun oo ruux.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dalka ay jaarka yihiin ee Thailand, halkaas oo dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.7 uu dumiyay dhismayaal badan.

Mid ka mid dhsimayaasha ku dumay dhul gariirka oo ahaa dhisme qabyo ah oo ku yiil magaalada caasimadda Bangkok, ayaa laga cabsi qabaa in ilaa 50 ruux ay ku hoos jiraan burburka dhismahaas.

Dhulgariirku wuxuu waxyeeleeyay waddooyinka, buundooyinka iyo dhismooyinka Myanmar, sida laga soo xigtay militariga militariga xukuma dalkaas.

Kooxaha samatabbixinta ee ajnabiga ah ayaa bilaabay inay u duulaan Myanmar sabtidii si ay gacan uga geystaan raadinta dadka ka badbaaday dhulgariir ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof oo ku nool dalka saboolka ah ee Koonfur-bari Aasiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More