Diyaarad ay saarnaayeen 30 qof uu ku jiro Cabdi Wali Gaas oo kusoo dhacday garoonka Muqdisho

July. 11 (Jowhar.com)-Diyaaradda Hala Airlines ayaa goordhow ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, diyaaradan ayaa waday rakaab ay ka soo qaaday Garowe, waxaana shilkaas ku dhaawacmay gabar yar.

Diyaaradda ayaa xawaaraheeda dhaaftay markii ay cagadhigatay Runwayga garoonka diyaaraddaha.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan shilka ku gashay garoonka aysan la socon Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya oo ka soo ambabaxay Garowe, iyagoo ka mid ah Siyaasiyiinta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wadatashi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More