Diyaaradaha Israel oo dilay in ka badan 58 reer Gaza ah
Dec 13 (Jowhar)-Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa ku warantay in duqeymo is xigxigay oo ay fuliyeen diyaaradaha Israel ay galaaftay nolosha ugu yaraan 58 qof oo ay ku jiraan 12 ilaalo ah oo ilaalinayay baabuurta gargaarka. Milateriga ayaa ku adkeysanaya in howlgalkooda uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay maleeshiyaad qorsheynayay in ay afduubtaan gaadiidkan.
Mawjadihii ugu dambeeyay ee rabshadaha ayaa soo shaac baxay in kasta oo ay sare u kacday dareenka rajo ee ku xeeran wada xaajoodyada xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha.
Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa xusay in “xaalad-xaalad” ee gobolka ay u weecday in heshiis la gaaro.
Sida uu sheegay afhayeenka hay’adda Mahmud Basal, todobo ilaalo ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Rafah, oo ku taal koonfurta Gaza, halka weerar kale oo ka dhacay Khan Yunis oo u dhow uu sababay dhimashada shan kale oo ilaalo ah.
Mr. Basal waxa uu yiri, “Guusashada (Israel) waxay mar kale bartilmaansatay kuwa ilaalinaya gawaarida gargaarka,” inkastoo milatarigu ay ku andacoodeen “ma duqeeyaan baabuurta gargaarka bini’aadanimo.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Gaadiidka Xamuulka qaada waxay ku sii jeedeen bakhaarrada UNRWA”, isagoo tixraacaya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin.
Goob joogayaal ayaa markii dambe u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dadka deegaanka ay dhaceen bur ka soo baxay baabuurta xamuulka ah kadib duqeynta diyaaradeed.
Milatarigu waxa ay sheegeen in ciidamadoodu “ay qaadeen weerarro sax ah” habeen hore oo ka dhan ah mintidiinta Xamaas ee hubaysan ee ku sugan aagga bini’aadantinimo ee ay Israel u aqoonsatay koonfurta Qaza.
War qoraal ah oo uu soo saaray milatarigu waxa uu ku yidhi, “Dhammaan argagixisada la ciribtiray waxa ay ka tirsanaayeen ururka Xamaas, waxana ay qorshaynayeen in ay xoog ku afduubtaan baabuurta gargaarka bini’aadantinimo si loogu wareejiyo Xamaas si ay u taageeraan dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee socda”.