Diyaarado dagaal oo duqeymo culus la beegsaday keydadkii kooxda Daacish ee Calmiskaat
Feb 22(Jowhar)Sida ay xaqiijinayaan wararku ilaa duhurnimadii shalay ilaa xalay duqeymo xoogan ayaa lagu qaaday goobaha gacantooda ku haray kooxda Argagixiso ee buuraleyda Calmiskaat, gaar ahaana goobta keydka ee GAATIR-OODAN oo ah aag ay galiyeen qoryaha waa weyn oo ay ku jiraan Toog-tayaasha, waxaana xoguhu sheegayaan in labo kamid ah difaacyadooda oo qoryuhu saarnayeen la burburiyey oo aan xabad dambe ilaa shalay galab laga maqlin.
Duqeymaha ayaa sii socday ilaa saaka oo ay dhacday tii u dambeysay, kuwaas oo ay fulinayaan saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka taageeraya ciribtirka argagixisada soo duushay, Damdamaale ayaa la beegsaday aagag muhiim ah.
Habeenadii u dambeeyey si caadi ah ayaa loo maqlaa dhawaaqa duqeymaha badankood, sidaas oo kale waxaa la arkay goobaha horey duqeymaha uga dhaceen oo ay argagixisada lagu naafeeyey.
Taliyaha ciidanka Difaaca Puntland Jen, Aden Abdi Hashi ayaa sheegay in ay Argagixisada iskaga khaldameen dhulkii ay ka yimaadeen iyo Calmiskaat, balse ay cashar siiyeen waxyarna hareen.