Diyaarado dagaal oo duqeyn ku burburiyay mid kamid ah goobaha ay Daacish qaraxyada ku diyaarsadaan
Feb 15(Jowhar)Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah Saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka taageeraya dagaalka Argagixisada ayaa xalay burburiyey Mid kamid ah goobaha ay Daacish kudiyaariyaan qaraxyada iyo baabuurta ay kurakibaan.
Labo warshadood oo ay qaraxyada kusameyn jireen, mid kamid ah ayaa laxaqiijiyey in xalay lagubay, iyadoo qaraxyo waa weyn lamaqlay, habeen kahor ayaa lagubay Baabuur weyn oo la aaminsan yahay in ay qaraxyo kudiyaarinayeen.
Ciidanka difaaaca Puntland ee kujira Howlgalka Ciribtirka Daacish ayaa sameeyey horumar balaaran oo ay ku gaareen aagag cusub, mar kasta meydadka buuraha daadsan ee Argagixisada ayaa soo badanaya iyo hubka ay kacarareen.
Kooxdan Argagixiso ayaa kala firxad kujira, xalayto gudahooda ayaa laxaqiijiyey in ay xabado badan isku rideen oo ay is haystaan, labo kooxodna u kala fadhiyaan, ka dib fashilkii labo weerar oo ay qaadeen oo aysan kagaarin hadafkii ay kalahaayen oo lagu jabiyey.