Diyaarado siday maamulka cusub ee gobokla gedo oo laga celiyay Garbahaareey

Jun. 13 (Jowhar.com)-Labo diyaaradood oo ka baxay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa laga hor-istaagay in ay ka degaan xarunta gobolka Gedo ee Garhabaarey.

Talaabadan oo la sheegay in ay fuliyeen dadka degaanka ayaa waxay la xiriirtaa is-qabqabsiga siyaasadeed oo salka ku haya cida maamuleysa gobolka gedo.

Warbixinta hordhaca ah yaa intaas kusii daraysa in mid kamid ah diyaaradahan maanta la celiyay ay la socdeen xubnaha gobalka Gedo ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysay maanta iney Garbahaareey ka dajiso mamaulkan cusub, si ay xilalka ula wareegaan, arrintaasi ayaa guul-dareysatay.

Axmed Madoobe todobaadkii hore maamul cusub u magacaabay gobolka gedo, balse shacabka gobolkaasi ayaa diidmo kala hor-yimid, iyagoo ku ansadacoonaya in marka hore dib u heshiisiin laga hirgaliyo ghuud ahaan gobolka oo dadka badankood aysan jeleyn nidaamka maamul ee Axmed Madoobe

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More