Donald Trump iyo Zelensky ayaa muran adag ka dhashay kulankoodi
Feb 28 (Jowhar)-Kulan fajaac iyo amakaak leh oo dhex maray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Ayaa isu beddelay qaylo caaro, iyadoo Trump uu ku hanjabay: “Waxaad samaynaysaan heshiis ama waanu baxaynaa.”
Zelenskyy ayaa dhanka kale ka horyimid Trump, isaga oo ku tilmaamay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “dilaaga iyo argagixisada”.
Trump iyo madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa labadooduba ku qayliyay Zelenskyy, iyaga oo ku tilmaamay “xushmad darro” waxayna ku eedeeyeen inuu iska dhigaayo “nin adag”.
Wax yar ka dib kulanka, Zelenskyy wuxuu ka tagay Aqalka Cad, Trumpna wuxuu ku dhajiyay Truth Social, “Waa soo laaban karaa marka uu diyaar u yahay Nabad.”