Donald Trump oo hanjabaad culus u diray madaxweyne Putin
Mar 31(Jowhar) Donald Trump ayaa sheegay in uu aad ugu carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib toddobaadyo uu isku dayay in uu ka xaajoodo xabbad joojinta Ukraine.
Wareysi uu siiyay NBC News, ayuu madaxweynaha Mareykanka ku sheegay in uu Putin ugu carooday in uu weeraray kalsoonida madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, wuxuuna ku hanjabay in uu canshuur 50% ah ku soo rogi doono waddamada iibsada saliidda Ruushka haddii uusan aqbalin xabbad joojin.
“Haddii aniga iyo Ruushka aan awoodin inaan heshiis ka gaarno joojinta dhiigga daadanaya ee Ukraine, iyo haddii aan u maleynayo inay tahay qaladka Ruushka – taas oo laga yaabo inaysan ahayn… Waxaan ku soo rogi doonaa canshuur labaad … dhammaan saliidda ka soo baxda Ruushka,” ayuu yiri.
Faallooyinkaas waxay muujinayaan isbeddel ku yimi hadalkii Trump ee ku aaddanaa Putin iyo Ruushka.
Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ka walwalsanaa in Trump uu ku qanacsan yahay Putin iyadoo wada xaajoodyada xabbad joojinta ee Ukraine ay sii socdaan.
Lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, Trump waxa uu Zelensky ku aflagaadeeyay Xafiiska Oval-ka wuxuuna ka dalbaday madaxweynaha Ukraine inuu wax badan ka tanaasulo. Dhanka kale, waxa uu u hanqal taagayay Putin oo uu intiisa badan u hogaansamay dalabaadkiisa.
Tani waxay u muuqataa inay tahay mid meesha ka saareysaa firfircoonaantii hore ee Trump iyo Putin. Waa markii ugu horeysay ee Mareykanku uu si adag ugu hanjabo Ruushka cawaaqib xumada uu cagihiisa ku jiiday wada xaajoodka xabad joojinta, taasoo u muuqata mid dib u dhigi karta kubada diblumaasiyadeed ee Moscow.
Telefishinka NBC News ayaa sheegay in wareysi 10-daqiiqo qaatay oo dhanka taleefoonka ah, Trump uu ku sheegay inuu aad uga carooday oo “uu ka xanaaqay” markii Putin uu dhaleeceeyay kalsoonida lagu qabo hoggaanka Zelensky, inkastoo madaxweynaha laftiisa uu ku tilmaamay hogaamiyaha Ukraine inuu yahay kaligii taliye oo uu ka dalbaday inuu qabto doorasho.