Donald Trump oo mar kale ka badbaaday isku day dil ahaa

Sep 15 (Jowhar) Hey’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan ku aadan isku day kale oo lagu dili rabay oo shalay galab lala beegsaday madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in nin 58 jir ah oo lagu magacaabo Ryan Wesley Routh, uu rabay in uu dilo Trump xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.

Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in ilaalada Trump mid kamid ah uu rasaaseeyay ninka weerarka damacsanaa oo laga shakiyay dhaq dhaqaaqiisa, iyadoo ui goobta isaga cararay, waxaana goobta laga soo qaaday qori AK47 ah uu watay.

Laamaha amaanka ayaa baaritaano dheer kadib gacanta kusoo qabtay danbiilaha, waxaana la filayaa in maanta maxkamad lasoo taago ninkan oo hore loo aheegay inuu weerarao kale u geystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More