Donald Trump oo markale lagu soo oogay dacwad cusub
Aug. 02 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo oogay afar dacwadood oo federaal ah oo la xiriira dadaalkiisa uu ku doonayay in uu meesha kaga saaro guuldaradii doorashada 2020 ka soo gaartay rabshadihii Capitol ee Mareykanka ay taageerayaashiisu sameeyeen 6-dii Janaayo, 2021.
77-jirkan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Talaadadii lagu eedeeyay inuu maleegayay khiyaano Mareykanka, is-hortaag ku sameeyay “dacwad rasmi ah” iyo inu uu diiday muwaadiniinta Mareykanka xaqa ay u leeyihiin inay wax doortaan oo la tiriyo codadka. Hase yeeshee Trump ayaa eedeymahaas ku tilmaamay been abuur.
Eedaymahan oo ka kooban 45 bog, oo lagu soo oogay ayaa waxaa soo gudbiyay la taliyaha gaarka ah Jack Smith, waana dacwad-dembiyeedkii saddexaad ee Trump lagu soo oogo tan iyo bishii March.
Eedayntan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee madaxwaynaha laga guulaystay oo ah musharaxa ugu cadcad musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee sanadka soo socda, uu la kulmayo arrin sharci oo ka dhan ah xanaaqiisa balse ugu danbayn ku guul daraystay dadaal uu ku doonayay in uu xukunka ku sii haysto.
Waxay Trump ku eedaysay inuu maleegay shirqool uu ku khiyaameeyay Maraykanka isagoo ka hor istaagaya Congress-ka inay caddeeyaan guusha Dimuqraadiga Joe Biden iyo ka xayuubinta codbixiyayaasha xuquuqdooda doorasho xalaal ah.
Madaxwaynihii markaasi waxa uu riixay sheegashooyin been abuur ah oo uu garanayay in aanay run ahayn, waxa uu cadaadis ku saaray masuuliyiinta gobolka iyo dawladda dhexe – oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka Mike Pence – in ay wax ka beddelaan natiijada ugu dambayntiina waxa uu ku kiciyay weerar gacan ka hadal ah oo lagu qaaday Capitol-ka Maraykanka isaga oo isku dayay in uu wiiqo dimuqraadiyadda oo uu xukunka ku dhego. sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Eedeynta ayaa qeexaysa sida uu Trump marar badan ugu sheegay taageerayaashiisa iyo dadka kale in uu ku guuleystay doorashada, inkastoo uu ogaaday in taasi ay been tahay, iyo sida uu isugu dayay inuu ku qanciyo saraakiisha, madaxweyne ku xigeenkiisa iyo ugu dambeyntii Congress-ka inay laallaan natiijada sharciga ah.
“Weerarka lagu qaaday xarunta qarankeena Jan. 6, 2021, wuxuu ahaa weerar aan horay loo arag oo lagu qaaday kursiga dimoqraadiyada Mareykanka,” ayuu yiri lataliyaha gaarka ah.