Doon ay saarnaayeen 45 ruux oo ku degtey xeebta Yemen
Jul 25 (Jowhar.com)-Afar ruux ayaa ka badbaaday doon ay saarnaayeen illaa 45 ruux oo ku degtey xeebaha Yeman, iyadoo la rumeysan yahay in 41 ruux oo ay carruur ku jireen ay geeriyoodeen,sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Hay’adda ayaa dhacdadan ku dhawaaqday maanta oo khamiis ah, iyadoo sheegtay in doonidu ay habeen hore ku rogmatay meel ka baxsan xeebta gobolka Taiz, sababa la xiriira dabaylo xooggan iyo culeys xad dhaaf ah.
Illaa hadda ma jirto faah faahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay, mana cadda halka ay ka timid doonta.
Marin-biyoodka u dhexeeya Yemen iyo Geeska Afrika ayaa noqday marin ay ka wada siman yihiin tahriibayaasha u kala safra labada dhinac. Sidoo kale waxaa halkaas sare u kacday dadka Yaman ee ka cararaya dalkooda ka dib markii uu dagaal sokeeye ka qarxay 2014-kii.
Bishii hore, ugu yaraan 56 tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 140 kalena waa la la’yahay, kaddib markii dooni ka timid Soomaaliya ay ku degtay Gacanka Cadmeed, ee xeebaha Koonfuurta Yemen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.
Fallaagada Xuutiyiinta iyo ciidamada dawladdu waxay gaareen heshiis nabadeed bishii Abriil 2022 kaas oo sababay hoos u dhaca rabshadaha iyo fududaynta dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda.
Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka ka soo cararay colaadaha Afrika, gaar ahaan Somalia iyo Ethiopia, ayaa u qaxay dalka Yemen ama ay doonayeen inay u sii maraan dalalka Khaliijka si ay uga soo xoogsadaan. Waddada ayaa weli ah mid ka mid ah waddooyinka socdaalka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan ee adduunka, sida ay sheegtay IOM.
Sanadkii la soo dhaafay, 97,000 oo tahriibayaal ah ayaa gaaray Yemen, kuwaasoo ka yimid Geeska Afrika. Taasi waxay aad uga badan tahay tirooyinka 2023 ee 73,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen Yemen.
Laga soo bilaabo 2014, hay’adda IOM waxa ay diiwaan galisay 1,860 tahriibayaal ah oo ku dhintay jidka.