Doon ay saarnaayeen Muhaajiriin oo ku degtey xeebaha dalka Senegal
Sep 10 (Jowhar) Ugu yaraan 26 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah ay ku degtay xeebaha dalka Senegal.
Mas’uuliyiinta dalka Senegal ayaa sheegay in in ka badan 100 qof ay saarnaayeen doonida kalluumeysiga ee alwaax ka sameysan, markii ay degtay meel 4km oo kaliya u jirta halkii ay ka shiraacatay.
Ilaa hadda, afar qof ayaa la soo badbaadiyay, waxaana weli socda dadaallada baadigoobka.
Doontan ayaa ka soo ambabaxday magaalada Mbour oo qiyaastii 80km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Dakar, waxayna ku sii jeedday jasiiradda Canary ee dalka Spain, oo ka baxsan xeebaha galbeedka Afrika.
Inta badan dhalinyarada ka cararaya iskahorimaadka, faqriga, iyo shaqo la’aanta – ayaa isku dayaya jidka khatarta ah ee Atlantic ee jasiiradaha Isbaanishka, iyada oo ku dhawaad 30,000 oo yimid la diiwaan geliyay sanadkan.
Dalka Spain ayaa ka mid ah wadamada Yurub ee ay ka tahriibaan dadka ugu badan, waxaana wali ah marinka ugu caansan ee badda Mediterranean-ka.
Korodhka muhaajiriinta ee isku dayaya in ay ka gudbaan ayaa keentay in ra’iisul wasaaraha Spain uu booqdo saddex dal oo galbeedka Afrika ah bishii hore – Senegal, Mauritania iyo Gambia – si uu wadahadalo ula yeesho hoggaamiyeyaasha.
Horraantii sanadkan, heshiis $227m ah ayaa dhex maray Midowga Yurub iyo Mauritania si loo xoojiyo ammaanka xuduudaha.
Hase yeeshee lama oga in Tahriibayaal Soomaali ah ay ka mid ahaayeen dadkii saarnaa doonta degtey. Waxaana la rumeysan in boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar ay ku sugan yihiin wadamo ku yaal galbeedka Afrika iyagoo doonaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka oo galaan wadamada Yurub gaar ahaan dalka Spain.