Doorashada kursiga uu baneeyay Mahad Salaad oo maanta lagu qabanayo Dhuusa-mareeb

Feb. 01 (Jowhar.com)-Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasinadda maamulka Galmudug waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kursiga HOP#147 ee uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa shalay diiwaan galiyay laba musharrax oo kala ah:- Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim iyo Aamina Tahliil Warsam oo soo buuxiyay shuruudaha, iyagoo ku tartamaya kursigan.

Musharax Ilyaas oo hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa loo wadaa kursigan, isagoo taageero ka helaya Mahad Salaad iyo jufada kursiga leh.

Si kastaba, Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More