Dowlada Federalka iyo Maamulka Somaliland oo ka dhex bilowday dagaal dhinaca magaca ah

Aug 24(Jowhar)-Qaar kamid ah Wasaaradaha dowlada federalka Soomaaliya ayaa bilaabay inay ka hor istaagaan shirkadaha shisheeye iyo kuwa maxaliga ah isticmaalka magaca Somaliland.
Hay’ada Duulista Hawada ayaa dhawaan ku amartay shirkadaha diyaaradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines inaysan isticmaali karin magaca Somaliland oo hore ay ugu isticmaali jireen mareegahooda lagu soo bandhigo jadwalka duulimaadyada.

Labadan shirkad ayaa aqbalay dalabkii kaga yimid dowlada Soomaaliya iyagoo joojiyay isticmaalka magaca Somaliland.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay maanta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu amray qaar ka mid ah shirkadaha Xawaaladaha iyo shirkado kale oo aan la magacaabin ineysan adeegsan karin magaca Somaliland, ayna isticmaalaan oo kaliya magaca Soomaaliya.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashadaha ayaa si gaar ah u carabaawday Xawaalada Dahabshiil,  Galaxy Tranfer, Jubba Express iyo PaySii iyo kuwa la mid oo ku xusa barahooda Internetka magaca Somaliland.

Waxa ay Wasaaradu u qabatay kama dambeyn 1da bisha September 2024 in la hirgeliyo amarka ay soo saartay Shirkadii fulin weydana loo aqoonsan doono inay ku xadgudubtay gobanimada iyo wadajirka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya oo lala tiigsan doono shuruucda dalka u yaala.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadaha loo direy qoraalka amarka lagu farayo joojinta isticmaalka magaca Somailand inay u hoggaansamayaan iyo inkale.

Hase yeeshee Maamulka Somaliland oo ka jawaabay amarkan ayaa sheegay in shirkadii u hoggaansanta amarka ka soo baxay Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dowlada federalka Soomaaliya ay danbi ka galayso Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan cidii fulisa amarka dowlada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso amarka kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More