Dowlada oo ka hadashay booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse magaalaa Laascaanood
Apr 10 (Jowhar) Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay booqashada la filayo inuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku tago magaalada Laascaanood,iyadoo afhayeenka xukuumada Soomaaliya uu ku tilmaamay Safarkii Nabadda iyo Midnimada Soomaaliya.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan jimcaale ayaa sheegay in booqashadan ay tahay mid ka tarjumaysa dadaalka dowlada ay ugu jirto nabadda iyo midnimada Soomaaliya,balse si rasmi ah looma shaacin xilliga uu booqan doono Ra’iisul Wasaare Xamse..
“Ra’iisulwasaaruhu inta oo joogo laascaanood waxa uu la kulmayaa madaxda Maamulka khaatumo iyo waxgaradka deegaanka isagoo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.”ayuu yiri Afhayeenka.
Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa u kuur geli doona dhinacyadda Amniga,dhaqaalaha iyo hurmarka ka socda deegaanka maamulka khaatumo.
Sida uu afhayeenku xusay waxa uun iga Ra’iisulwasaare Xamse xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay fulinayso xukuummadda dan-qaran.
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa tegey wafdi hordhac u ah booqashada ra’iisul wasaaraha iyadoo magaalada Laascaanood laga dareemayo diyaargarowga soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre