Dowlada oo ku dhawaaqday Diiwaangelinta Xisbiyada dalka

Jan 20 (Jowhar)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo gudbiyay jadwalka Doorashada, Diiwaangelinta Xisbiyada iyo waxyaabihii kale ee guddiga u qabsoomay.

Cabdikariin Axmed Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in maanta oo ah 20-ka Janaayo 2025 billaabatay diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda si loo siiyo shahaadada aqoonsiga ah iyada oo howshaan socon doonta ilaa 31-ka Maarso 2025.

Ururradii horey ee uu diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayuu sheegay Guddoomiyha in ay dib ka qaadanayaan shahaadada cusub isla markaana ay ku saxiixi doonnaan shuruucda lasoo kordhiyay iyada oo aanay wax khidmad ah laga qaadin.

Guddoomiye Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa tilmaamay in guddigu uu gaari doonno gobolada dalka si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda,islamarkaana laga gudbo doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo doortay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More