Dowlada oo shaacisay in 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ay dishey maanta
July. 19 (Jowhar.com)-War-Saxaafadeed ay shaacisay warbaahinta dowlada federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay hawgalo maanta ka dhacay xadka u dhexeeya Sh/dhexe iyo Galgaduud.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlada ay gacan ka siisay howlgalka maanta dowlada Maraykanka.
“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijtu.”ayaa lagu sheegey warsaxaafadeedka.
“Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.”ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Halkan hoose ka aqriso Warsaxaafadeedka howlgalka ciidamada dowlada iyo kuwa Maraykanka;