Dowlada oo wax ka bedeshay lacagta Leesinka Moto Bajaajta

Aug 18(Jowhar)-Kulan ay yeesheen Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada e xukuumada Somaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray wax ka bedel lagu sameeyay qiimaha Leesinka Mooto Bajaajta ay ku qaataan darawalada.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa saxaafada uga warbixiyay go’aanada cusub ee laga gaaray cabashadii darawalada Mooto bajaajta.

Waxaa ka mid ah go’aanka shirkan ka soo baxay in Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5. Hadii uu leysinka ka dhaco darawalka waxaa uu bixinayaa 32 doolar hadii uu ka lumana 20 dollar.

Go’aanadan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in mudada dhicista Leysinka oo markii hore aheyd saddex sano laga dhigay 5 Sano. Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd 50$ hadda waa 5$

Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaanbaxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho iyagoo sheegay ineysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More