Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay hub Itoobiya ay geysay Puntland

Sep 20 ( Jowhar)War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa loogaga hadlay Shixnad Hub ah oo laga keenay Itoobiya lana soo geliyay soomaaliya gaar ahaan Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnadda hubka iyo rasaasta la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka,

Dowlada Soomaaliya ayaa ka dalvbatay Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

“Waxaan ugu baaqaynaa saaxiibbada Gobolka iyo kuwa caalamiga ahba inay cambaareeyaan xadgudubkan, islamarkaana ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka. Soomaaliya waxa ay weli sii adkeysaneysaa go’aankeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan iskaashiga nabadda, oo ku dhisan ixtiraamka xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka oo dhan.’ ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub-sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More