Dowlada Soomaaliya oo cunoqabatayn ku soo rogtay saraakiil ka tirsan Alshabaab

Jul 17 (  Jowhar.com)-Guddiga Qaran Ee Ka-hortagga Lacag Dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA) ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Guddiga waxuu sheegay inuu ugu gol-leeyahay in uu cunoqabataynta inuu la dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka.

 

“Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo isla markaana la cuna qabateeyo shakhsiyaadka & hay’addaha taageera argagixisada si sare loogu qaado nabadgalyada dalka.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

 

Waa markii labaad ee guddigan uu soo saaro magacyada dad la saaray cunaqabateynta maaliyadeed kana tirsan kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso magacyada dadka la saaray cunaqabataynta,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More