Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay xiisada ka taagan Ceerigaabo
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Xiisadan ayaa la xiriirta dilal ka dhacay magaalada Ceerigaabo iyo deegano hoos yimaada,kuwaasoo salka ku haya aano qabiil iyo lahaansho deegaan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in Wasiirrka uu xiriir la sameeyay maamulka iyo waxgaradka magaalada Ceerigaabo , kuwaa uu kala hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Ceerigaabo.
Xiisad u dhaxeysa maamulka Khaatumo SSC iyo maamulka Somaliland ayaa ka taagan magaalada Ceerigaabo, waxaana halkaasi saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal loo geestay ganacsato iyo dad kale ,kuwaa oo loo dilay heybta ay kasoo jeedaan dartood.