Dowlada Soomaaliya oo ku shaacisay in berri ay tahay Maalin Ciid ah
Mar 29(Jowhar)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta Berri ee Axad ah 30-ka Maarso 2025 ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga,kadib markii laga arkay bisha Shawaal gudaha dalka Soomaaliya.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka xukuumadda Somalia ayaa shaacisay go’aankan iyadoo sheegtay in bisha Shawaal laga arkay Wanle-weyn, Hargeysa, Caabudwaaq, Belad xaawo iyo meelo kale.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka DF ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay inay xaqiijiyeen dhalashada bishii Ramadaan, isla markaana dad culimo iyo macalimiin u badan oo la dhaariyey ay u xaqiijiyeen dhalashadii Bisha Shawaal.
Madaxeyweynaha Jamhuuriyada Federalka iyo Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabada Ciidul Fitriga.