Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay dishey Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab

Dec 26 ( Jowhar)-War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu diley Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Gobollada.

“Horjooge Abuu Cabdirahmaan ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay dowlada soomaaliya lagu sheegay in muddo lagu raad joogay balse ugu dambeyntii la diley.

Si kasta ha ahaatee warka ka soo baxay dowlada ayaan lagu sheegin in lagu diley sarkaalkan ka tirsanaa Alshabaab weerar loo adeegsaday diyaarado iyo weliba cidd ka kaalisay howlgalka ay sheegtay in lagu qaarijiyay Abuu Cabdiraxmaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More