Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay ku biireyso IAEA

Aug 25(Jowhar)-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowlada Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku biireyso dhowaan hay’adda Caalamka u qaabilsan tamarta Niyukliyerka”IAEA”.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka wasaaradaha dowlada federalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in marka la gaaro 16september 2024, ay Soomaaliya ka mid noqon doonto wadamada xubnaha ka ah Hay’ada IAEA.

“Waxaan rabaa in ummada Soomaaliyeed aan u sheego in Soomaaliya aysan hore ugu mid ahayn hay’ada IAEA oo ah hayada maamusha tamarta Niyukliyerka. waxaan gudbinay codsi ay Soomaaliya uga mid noqoneyso hay’adaas waxaan rajeynayaa in kadib 16 September 2024 ay Soomaaliya xubin ka noqon doonto hay’adaas.”ayuu yiri Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Cumar oo u waramayay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale Wasiirka Batroolka ayaa sheegay in dhowaan qodaalka shidaalka laga bilaabayo dalka Soomaaliya.

“Turkiga waxaan heshiis kula galnay in ay qodaan saddex balook ama saddex xirmo,waxay bilaabi doonaan bilowga bisha Oktoobar ee sanadkan sahminta,horaanta sanadka cusubna waxa ay bilaabayaan qoditaanka shidaalka oo tijaabo ah.”ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More