Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraar Golaha Ammaanka uu ku bedeley UNSOM
Oct 30 (Jowhar)-Dowladda Soomaaliya waxay soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu maanta ansixiyey kaasoo ahaa in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.
Kulan uu maanta yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar lagu bedelayo howlgalka teegaarada QM ee UNSOM, waxaana laga dhigay howlgal kumeel gaar ah oo loogu magac daray UNTMIS, iyadoo hannaanka kala guurkiisa uu bilaabanayo 1 November 2024.
Qaraarkan ayaa ahaa soo jeedintii ay gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taasoo codsaneysay in dib u eegis lagu sameeyo Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobey ee UNSOM.