Dowlada UK oo ugu deeqday $6.6 milyan ciidamada Soomaaliya
Sep 23( Jowhar)- Dowlada UK ayaa ugu deeqday lacag dhan £5 milyan oo u dhiganta ($6.6 milyan) ciidamada qaranka Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
UNSOS ayaa maanta sheegtay in gargaarku uu yahay taageero muhiim ah,gargaarkana uu ka kooban yahay raashiin iyo qalab isgaarsiin, si kor loogu qaado awoodaha shaqo ee ciidamada Soomaaliya.
Kaalmadan ayaa ka caawin doonta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya in ay si wadajir ah u fuliyaan howlgallada kala duwan ee Ciidanka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku tilmaamay taageerada mid muhiim u ah horumarinta kaabayaasha amniga qaranka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Illaa iyo 2022, ayaa UK waxa ay UNSOS ugu deeqday in ka badan £28 milyan si ay u taageerto Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
Ku dhawaaqista mucaawinada ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jirto xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan heshiiska dhinaca badda ee Itoobiya ay la gashay maamulka la baxay Somaliland, kaas oo ay Soomaaliya ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda. Soomaaliya.