Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo hadalo kul kulul hawada isu mariyay

Aug 31(Jowhar)-Weli waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ku xeeran muranka ka dhashay heshiiskii Badda ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia oo ay kala saxioxdeen bishii January ee sanadan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kula hadlayay Muqdishu ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa khudbad dhiirrigelin ah oo uu u jeediyay ciidamada wuxuu xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan wuxuu ugu yeeray “Cadowga Somaliya ee gudaha ah iyo kan dibadda.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia,Taye Atskeselassie, oo shir Jaraa’id ku qabanayay magaalada Addis Ababab ayaa ku celiyay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ethiopia ee ahaa in Ethiopia aysan iska eegan doonin xaaladaha ka soo kordhay Gobolka, isagoo ku tilmaamay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaarkood” kuwo ay ka soo yeerayaan hadallo cadawtinimo.

Saameynta xiisaddan ka oogan gobolka ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen dad shacab ah oo wata boorar ay uga soo horjeedaan in Ciidamo Masar ka socda la keeno Soomaaliya, isla markaana lagu soo dhaweynayo joogitaanka ciidamada Ethiopia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More