Dowladda Canada oo ceyrisay Diblomaasiyiin sare oo Hindi ah

Oct 15 (Jowhar)-Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho a u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso.

Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo.
Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar.

Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More