Dowladda Federaalka oo si kulul uga hadashay dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo kuwa Sen Gaboose

Nov 23  ( Jowhar) Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay iska-horimaar khasaare kala duwan dhaliyay oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeyay ciidamada Jubaland iyo kuwo ilaalo u ahaa Senator Ilyaas Gaboose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii saaka ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismaayo oo ay ku eedeeyeen iney geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa falkaasi ku tilmaamay mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah.

Majirto wax war ah oo wali dhanka Jubaland kasoo baxay, iyadoo xaaladda magaalada ay haatan tahay mid dagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More