Dowladda Iiraan oo xirtay saraakiil fududeysay dilka Ismaaciil Haniya

Aug 03 (Jowhar.com)-Iiraan ayaa xirtay 24 xubnood oo katirsan Nidaamkeeda oo iskugu jira Saraakiil Amni & Askar, sabab la xariirta ku lug lahaanshaha dilkii Ismaaciil Haniya, waxaana ku jira xubno sare oo katirsan Sirdoonka dalkaas.

Faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixin Xukuumadda Tehran, waxaana dadka la xiray laga aruuriyey dhammaan telfoonadoodii gacanta iyo dhammaan aaladaha Isgaarsiinta.

Xubnahan waxaa ku socoto baaritaano, iyadoo la filayo in warbaahinta lala wadaago.

Mida aan shakiga laheyn, waa in ay jireen fududayaal katirsanaa dhinaca Iiraan oo bixiyey macluumaadka deegaanka Hanuya, geynta agabka qaraxa & wax kasta oo ay u baahnayd Israa’iil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More