Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC
Mar. 15 (Jowhar.com)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu guul dareystay dadaalo ay waday Itoobiya, kaasoo xal loogu raadinayay colaada ka socota magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ee ku dagaalamaa xarunta gobolka Sool ay shuruudo adag ku xiran xal ka gaarista dagaalka iyo bilowga wadahadal fool ka fool ah oo xukuumada Addis-ababa ay garwadeen ka tahay.
Isimadda dhaqanka SSC ayaa diiday in ay wada hadal nooc kasta uu yahay ay lagalaan Somaliland, iyadoo ciidamadeedu joogaan duleedka magaalada Laascaanood, waxayna dawladda Itoobiya ku wargaliyeen in duqeyn iyo dagaal joogta ah ay mar kasta ka shaqeynayso Somaliland, sidaas waxay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo ay u direen Xukuumadda Itoobiya.
Isimadda ayaa ka jawaabay qoraal uga yimi Addis Ababa, oo ahaa in Madaxweyne Biixi labixida ciidamadiisa ku xiray in wada hadalo furmaan, deegaankana uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha Somaliland ah.
Isnida dhaqanka ee SSC ayaa sheegay in aysan aheyn Somaliland oo aan cidna deegaanadooda la laheyn.
Si kastaba, mudo kudhow 40 cisho ayuu galay dagaalka Laascaanood kaasoo ay ku dhinteen kudhowaad 300 ruux, halka dhaawaca ka badan yahay 600 qofood, waxaana wali xaalada ay tahay mid kacsan, maadaama dhinacyada wali is hor-fadhiyaan.