Dowladda Itoobiya oo war kasoo saartay hubkii u gacan galay shacabka Cabudwaaq

Jul 24 (Jowhar.com)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in hubkii dhawaan shacabka Caabudwaaq qabsadeen, uusan waxba xariir ah la laheyn dhankooda Itoobiya, dawladda Soomaaliya ay iyadu leedahay masuuliyada hubka maareynta & bixintiisaba.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla  oo la hadlayay VOA-da ayaa la weydiiyey in ay hubkan ka gadeen DFS iyo in kale, wuuse diiday in uu faahfaahin bixiyo.

Maalmo kahor, XFS ayaa warqad ay u dirtay safaaradaheeda dibada ku sheegtay in ay Itoobiya hubkaas soo galisay gudaha Soomaaliya, si sharci darro ah.

Hubkan, ayaa jahawareer xoogan galinaya DF Soomaaliya, sadex safaaradood oo kuyaala Addis Ababa, Nairobi & Mogadisha ayaa baaritaan adag ku jira.

Si kastaba, Hubkan oo maalmo ka hor lasoo galiyay Soomaaliya gaar ahaan Caabudwaaq ayaa sida ay Warbaahintu sheegtay waxaa laga soo qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaal magaalada Godey ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More