Dowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay deyn dhan $100 Milyan Doollar
Nov 07 (Jowhar)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14 Bilyan oo lacagta Japan ah, doollar ahaan u dhiganta in ka badan $100 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.
Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa daba socda dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka.
Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen Dowladda Soomaaliya, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay Dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale.
Safiirka Dowladda Japan oo hadalo kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa balan qaaday in Dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta Mashaariicda Horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.