Dowladda ku meel gaarka ah ee Bangladesh oo maanta la dhaarinayo
Aug 08( Jowhar.com)-Maanta oo Khamis ah ayaa lagu wadaa in xilka loo dhaariyo madaxda dowladda ku meel gaarka ah ee maamuli doonta dalka Bangladesh, kaddib marki ay Axaddii hore dhacday dowladdii Sheekh Xasina, ee dalkaasi maamuleysay 15-sano ee lasoo dhaafay.
Ninka hogaamin doona dowladda cusub, Muhammad Yunus ayaa lagu wadaa in uu galabta gaaro magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh, kaddib marki uu kasoo amba baxay magaalada Paris oo uu uga qeybgalayay ciyaaraha Olimbikada Adduunka.
Yunus ayaa waxaa xilka u dhiibay taliyaha millatariga Jeneral Wakirul Zaman, kaddib wadatashi uu la sameeyay madaxweynaha, horjoogayaasha dhalinyarada dibadbaxyada sameeyay, iyo ururada bulshada rayidka ah.
Madaxweyne Mohammed Shahabuddin, oo ah madaxweyne aanan awood laheyn maqaamkiisuna uu yahay maamuus sharafeed, ayaa Talaadadi kala diray baarlamaanka, tallaabadaas oo waddada u xaartay dowladda ku meel gaarka ah.
Bannaanbaxyadi lagu riday xukuumaddii Sheekh Xasina oo socday muddo todobaadyo ah ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 300 oo ruux.
Dadka dhigay bannaanbaxyada oo u badnaa dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha ayaa ka carooday, xeer dowladda kasoo baxay oo dhigayay in 30% shaqooyinka ka bannaan dowladda la siiyo, qoysaska iyo ehellada dadki ka qeybgalay dagaalki ay Bangladesh uga xorowday Pakistan ee dhacay sannadki 1971-ki.
Ninka hadda hogaamin doono dowladda kumeel gaarka ah, Maxammed Yuunus ayaa ah dhaqaalayahan iyo bangaariye. Wuxuu sumcad ku helay shaqadi layaabka laheyd ee uu ka qabtay horumarinta dhaqaalaha Bangladesh, gaar ahaan amaahdi uu bankigiisa Grameen uu siin jiray dadka saboolka ah balse leh fikradaha hal-abuur.
Howshaas oo uu soo billaabay sannadki 1983-ki, ayuu faqriga uga saaray kumannaan qof oo isu baddalay ganacsato yar yar iyo kuwo jeeb weyn. Tallaabadaas ayuuna ku muteystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda oo uu helay sannadki 2006.