Dowladda Masar oo ciidamo usoo direysa Soomaaliya

Aug 07 ( Jowhar.com)-Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga. Si hawlahaas loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More