Dowladda oo ka qeyb gashay shir wasiiro ka tirsan Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen dalka Algeria

Dec 18  ( Jowhar)Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Algeria.

Shirka Wasiiradda Howla Guud ee  Jaamacadda Carabta ayaa ahaa meertadii 8-aad kalfadhigii 41-aad  iyado sanadkana ay marti gelisay Dowladda Algeria waxeyna diirrada lagu saaray dib u dhiska wadamada soo kabanaya ee ay Soomaaliya ku jirto wasiirada ayaa isla  qaatay in Dowladda Somaliya laga caawiyo dib u dhiska  xarumaha Dowladda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Mudane. Xayd oo shirka ka hadlay ayaa  Wasiirada dhigiisa ah ee Jaamacadda Carabta uga mahadcelinayay sida ay Dowladda  Soomaaliya u garab taaganyihiin isaga oo hoosta ka riiqay in Dowladda Somaliyeed ay hayso wadadii dib u dhiska iyo horumarka ayna ka soo kabatay inta badan mar xaladihii ay soo martay.

Intu shirku waxa kale oo ka  soo qeyb galay wasiirka Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta Dalka  Shiinaha waxana laysku af gartay in  uu u heshiis  iskaashi  wada galaan Wasiirada howlaha guud ee wadamada Jaamacadda carabta iyo wasiirka Howlaha Guud ee Shiinaha waxana uu dhici doona sanadka soo socdo kaaso si rasmi ah loo wado saxiixi doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More