Dowladda oo sheegtay in xubno Shabaab ah ay ku dishay gobolka Mudug

Jan 12 (Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ciisamadda xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin xubno Shabaa  ah.

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, howlgalkan ayaa lagu bartiomaameedsaday fariisimo Shabaab ay ku lahaayeen maxkamdo iyo goobo ay lacago ku qaadaan, waxey a xubnaha howlgalka hoggsaminayay ay sheegeeb iney ku dileen 7 Shabaab ah oo qaarkood madax ay yihiin.

Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullahi Muuse ayaa warbaahinga dowladda u sheegay in Hawlgalkan lagu khaarajiyey Horjoogihii Shabaab  ee gobolka Mudug, mid madax ka ahaa maxkamada deegaanka iyo nin kaloo canshuuraha u qaadi jirah.

Waxa ui sidoo kale tilmaamay iney sii wadi doonaan baacsiga Shbaaab, wuxuu a dadka deegaanka ka dalbaday iney la shaqeeyaan laanaha amaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More