Dowladda oo sheegtay iney 40 Shabaab ah ku dishay Degmada Afmadoow
July. 09 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland oo taageero ka helaya beesha caalamka ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan waxa uu si gaar ah uga dhigau deegaano hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sida wararku tilmaanayaan, Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Al-Shabaab isku soo uruursadeen.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya war ay soo saaryau waxey ku sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay hawlgalkaasi.
Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta kooxdaasi iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan, sida wasaarada ay shaacisay.