Dowladda Soomaaiya oo war kasoo saartay hubka shalay lagu qabsaday magaalada Cabudwaaq

Jul 16 (Jowhar.com)-Dowladds Soomaaliya ayaa markii u horeysay war kasoo saartay hub shalay u gacan galay dad shacab ah, hubkaasoo laga soo iibiyay dalka Itoobiya, waxaana lagu qabsaday deegaan hoos taga degmada Cabudwaaw.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hubkaasi sharci darada ah ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga, balse markii danbe ay jidgooto u dhigtee  maleeshiyo beeleed.

Halkan hoose ka akhrido warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya:

Warmurtiyeed

Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.

Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas.

Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah

sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaailka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.

Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More