Dowladda Soomaaliya oo Baydhabo u dirtay wafdi culus oo wadahadal lasoo yeesha Lafta-gareen
Mar 05(Jowhar)Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2aad ee dalka ayaa gaaray Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasii si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali uu wada hadal la yeelanayo hogaanka Koofur Galbeed iyada oo qorshu yahay in hoos loo dhigo khilaafka aan wali banaanka u soo bixin ee Baydhabo iyo Villa Somalia.
Waxa uu xiligan kulan ay albaabada u xiran yihiin la leeyahay Madaxweyne Cabdi casiis Lafta-gareen, waxaana arrimaha laga arrinsanayo qeyb ka ah walaaca dowladda dhexe in Lafta-gareen uu doorasho guud u qabto maamulkiisa.
Arrimahan ayaa banaanka usoo baxay kadib markii todobaadkii hore uu Ambassador Cali Faqi loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed, taasoo ah mida shakiga xoogiisa dhalisay.